Bogga Hore Muxaadaro Borogaramo Golayasha Maqaallo Talobixin XisaabTaada Raadi
jarar Bogga Hore jarar
 Bogga Hore
 Muxadaro
 Borogaramo
 Golayasha
 Maqaal Soodir
 Maqaallo
 Raadi
 Talobixin
 Xisaabtaada
jarar jarar
jarar Silsilada Albani jarar

Raadi Xadiith

Kalimad:
Lambar:

jarar jarar
jarar Bogag Somali ah jarar



jarar jarar
jarar Qur'aan jarar
 
Xifdinta Quranka Kariimka ee Carruurta

jarar jarar
jarar Maqaalka Maanta jarar
Maqaal caan ah ma jiro maanta.
jarar jarar
jarar Golayasha Wacdi jarar
15 Maqaal ee ugu dambeyay

Ma looga tagayaa Xaddiis saxiix ah qofna kuma dhaqmin?
Qore: ina Warfaa Jul 17, 2010 at 15:41:07

Ma lagu daba tukan karaa Imaam salaaddiisa aan kula toosnayn
Qore: ina Warfaa Jul 16, 2010 at 14:59:10

Ma Bidcaa in loo qeybiyo Towxiidka saddex qeybood?
Qore: ina Warfaa Jun 22, 2010 at 11:31:07

Bidacda bisha Rajab
Qore: ina Warfaa Jun 22, 2010 at 11:25:28

Maxay Diinta ka qabtaa in lagu noolaado dhulka Gaalada?
Qore: ina Warfaa Jun 22, 2010 at 11:20:27

Maxay Diinta ka qabtaa ciyaarta iyo daawashada Kubadda-cagta
Qore: ina Warfaa Jun 15, 2010 at 07:38:16

Maxay Diinta ka qabtaa Subaca?
Qore: ina Warfaa Mar 13, 2010 at 18:04:29

Maxay Diinta ka qabtaa Anaashiidka?
Qore: ina Warfaa Mar 13, 2010 at 17:59:47

Maxay Diinta ka qabtaa Kooxaha, Axzaabta iyo Ururada?
Qore: ina Warfaa Jan 29, 2010 at 20:09:08

In loo laablakaco Mad-hab waa Bidco
Qore: ina Warfaa Jan 28, 2010 at 10:39:18

Axkaamta Janaasada
Qore: ina Warfaa Dec 27, 2009 at 06:23:01

Aadaabta guurka ee Islaamka
Qore: ina Warfaa Dec 20, 2009 at 16:29:16

Talooyin ku wajahan Muslimiinta meel walba oo ay joogaan
Qore: ina Warfaa Nov 26, 2009 at 04:18:16

Xubin cusub
Qore: Hanad Nov 19, 2009 at 01:35:45

Bidcada Soonka
Qore: ina Warfaa Sep 06, 2009 at 06:27:01

jarar jarar
jarar Akhbaarta Xubinka jarar
Soo Dhawoow, Anonymous
Naanays
Eraysir
(Xubin Noqo)
Xubinnimo:
Ugu Dambeeyay: 44
Maanta Cusub: 0
Shalay Cusbaa: 0
Kuligood: 285

Dadka Jooga:
Marti: 3
Xubno: 0
Wadar: 3
jarar jarar

jarar jarar
Xukunka in xoolo lagu qaato quraanka baridiisa


Bismillaah wal xamdu lillaah wabacdu
Awalan waxaa lagama maarmaan ah inaan ku baraarugno in ku qaadashada xoolo dacwadan islamku ayna ahayn wadadii rususha, bal sicad ayay ugu sheegi jireen dadkii losoo diray inayna waxba kaga doonayn diintan gaadhsiinteeda iyo bariddeedatoona.



(1) Wuxuu yidhi alle sareeye (waxay beeniyeen Qoomkii Nuux rusushii (105) markuu ku yidhi walaalkood nuux miyaydaan cabsanayn (106) anigu waxaan idiin ahay rasuul aamin ah (107) idinkuma waydiisanayo (xaqqa) wax UJUURO ah , ajirkayga Rabbiga caalamkaan kasugi(109) ) suurada Ash-shucaraa aayadaha(105-109)

(2) Waxaa kaluu yidhi alle sareeye isagoo ka hadlaya nabi Nuux (cs)) (hadaad jeedsataan idinma waydiisan ujuuro , ujuuradayda waxaa isiin alle waxaana layfaray inaan ka mid ahaado muslimiinta) Yuunus aayada(72)

(3) Waxaa kaluu yidhi alle sareeye isagoo ka hadlaya nabi Nuux(cs) ( Qoomkayoow idin warsan mayo xoolo ajirkayga allaan kasugi) al-aayah suurada Huud aayada(29)

(4) waxaa kaluu yidhi alle sareeye ( waxay beeniyeen Caad Rusushii(123) Markuu ku yidhi walaalkood Huud miyaydaan cabsanayn (124) anigu waxaan idiin ahay rasuul aamin ah ( ka baqqa alle oo i adeeca(125) idinkumana waydiisanayo (xaqqa) wax UJUURO ah , ajirkayga Rabbiga caalamkaan kasugi(126) ) suurada Ash-shucaraa aayadaha (123-126)

(5) waxaa kaluu yidhi alle sareeye isagoo ka hadlaya nabi Huud(cs) (Qoomkayoow idinka waydiisan mayo diinta Ujuuro, ujuuradayda waxaan ka sugi allaha I abuuray e miyaydaan wax garanayn) suurada Huud aayada(51)

(6) waxaa kaluu yidhi alle sareeye(waxay beeniyeen Thamuud Rusushii (141) markuu ku yidhi walaalkood Saalix miyaydaan cabsanayn (142) anigu waxaan idiin ahay rasuul aamin ah(143) ka cabsada alle oo i adeeca(144) ) idinkumana waydiisanayo (xaqqa) wax UJUURO ah , ajirkayga Rabbiga caalamkaan kasugi(145) ) suurada Ash-shucaraa aayadaha (141-145)

(7) waxaa kaluu yidhi alle sareeye(waxay beeniyeen qoomkii Luudh Rusushii (160) markuu ku yidhi walaalkood Luudh miyaydaan cabsanayn (161) anigu waxaan idiin ahay rasuul aamin ah(162) ka cabsada alle oo i adeeca(163) ) idinkumana waydiisanayo (xaqqa) wax UJUURO ah , ajirkayga Rabbiga caalamkaan kasugi(164) ) suurada Ash-shucaraa aayadaha (160-164)

(8) waxaa kaluu yidhi alle sareeye(waxay beeniyeen Kayntii Ehelkeedii Rusushii (176) markuu ku yidhi Shucayb miyaydaan cabsanayn (177) anigu waxaan idiin ahay rasuul aamin ah(178) ka cabsada alle oo i adeeca(179) ) idinkumana waydiisanayo (xaqqa) wax UJUURO ah , ajirkayga Rabbiga caalamkaan kasugi(180) ) suurada Ash-shucaraa aayadaha (176-180)

(9) Wuxuu yidhi alle sareeye isagoo lahadlaya nabigeena (s.c.w) ( mise ma waxaad waydiisan kharash (maal), ajirka Rabbigaa ayaa ka khayr badan, waana kan ugu khayr badan arzaaqe) suurada Al-muminuun aayada(72)

(10) Waxaa kaluu yidhi alle sareeye ( wax ujuuro ahna kama waydiisanaysid (Diinta) Caalamkana wax kale uma aha waano mooyee) suurada yuusuf aayada(104)

(11) Waxaa kaluu yidhi alle sareeye (waxaad dhahdaa nabiyow idinkama waydiisanayo diinta ujuuro kamana mid ihi kuwa is kalifa) suurada saad aayada(86)

(12) Waxaa kaluu yidhi alle sareeye (waxaad dhahdaa "nabiyoow" idinma waydiisan ujuuro idinkaase iska leh "hadiiba laydin waydiiyo" ajirkayga alle unbaan kasugi wax walbana alle wuu daalacan) suurada saba aayada(47)

(13) Waxaa kaluu yidhi alle (mise ma waxaad waydiisay (nabiyow) ujuuro oo markaa daynbaa ku cuslaatay) suurada adh-dhuur aayada(40) iyo surada Al-qalam aayada(46)

(14) Waxaa kaluu yidhi alle sareeye( waxaad dhahdaa idinkama waydiisto ujuuro "diinta gaadhsiinteeda" lakiin qofkiinii dooni haka yeesho Xagga rabbigii jid "macnaha haku bixiyo maalkiisa jidka alle" ) suura Al-furqaan aayada ( 57)

Wuxuu yidhi ibn jariir adh-dhabarii (rxm) isagoo fasiraya aayadan ( wuxuu alle ku leeyahay nabiga ku dheh kuwaas aan kuu dirray idinkama waydiisanayo waxaan idiinkala imid xagga rabbigay ujuuro ama xoolo , oo aad markaa dhahdaan : muxamed wuxuu ku doonayaa waxan uu noogu yeedhayo xoolahanaga markaa maraacayno xoolahanagana waxba kama siinayno , wuxuu yidhi: lakiin qofkiinii rabaa haka yeesho xagga rabbigiis waddo , yacnii jid ah ku nafaqaynta maalkiisa jidka alle , iyo waxa u dhawaynayaba xagga alle oo sadaqo ah iyo ku nafaqaynta jihaadka cadowgiisa , iyo wixii kale oo wadooyinka khayrka ah)

Walaal aayadahan kariimka ah waxay inoo iftiimiyeen in rusushu ayna diintan ku waydiisan jirin wax ujuuro ah , culumaduna waa dad dhaxlay ambiyada markaa inay ku daydaan waa lagama maarmaan , waayo wadadii ambiyada ayaad ugu yeedhaysaa. bal hadana aan eegno dhanka axaadiithta.

(1) Waxaa laga warinayaa Jaabir binu cabdullahi (rc) inuu yidhi rasuulka ayaa nagusoo baxay anagoo akhrinayna Quraanka , oo uu nagu jiro dad reer baadiya ah iyo dad aan carab ahayn , markasu yidhi (akhriya waad wada fiican tihiine , waxaase iman doona dad utoosinaya quraanka sida leebka lootoosiyo, dadajisanaya oon dib u dhiganayn) waa xadiis saxiix ah fiiri saxeexa sunanka abuu daa uud (1220)

(2) Lafdi kalena wuxuu ahaa ( Quraanka akhriya , allena kaga ajir dalba kahor intayna iman dad toosinaya quraanka sida leebka lootoosiyo , dadajisanaya oon dib u dhiganayn) waana xasan kani ka fiiri saxiixul jaamica xadiiska lambarkiisu yahay (1167)

Dadajisanaya waxaa laga wadaa yacnii dadajisanaya ajirkiisa dhow ee aduunka lagu qaato
Aan dib u dhiganayna waxaa laga wadaa , yacnii aan ku raadsanayn ajirkiisa dambe ee aakhiro

(3) Waxaa laga warinayaa cubaadah binu saamit inuu yidhi : dadbaan baray ka mid ah ahlu suffah quraanka iyo qoraalka, nin kamid ah baa markaa isoo hadiyeeyay Qaanso , markasaan is idhi Maal ma aha jidka alle ayaan ku gami , markasaan rasuul waydiiyay oo uu yidhi: ( haduu ku farax galinayo in luqunta laguu sudho Qaansadan sababteed Qoor sudh Naar ah aqbal )saxiix fiiri saxeexa sunanka ibnu maajah(2730)

(4) Waxaa laga warinayaa ubayya binu kacab inuu yidhi : ninbaan baray Quraanka markaasuu iisoo hadiyeeyay Qaanso , markaasaan nabiga(s.c.w) arinkaas u sheegay , markaasuu yidhi( hadaad qaadato waxaad qaadatay Qaanso naar ah) markasaan celiyay . saxiix waxa wariyay ibn maajah fiiri isla masdarkii hore

(5) Waxaa laga warinayaa Cimraan binu xuseen inuu soo maray Qaari akhrinaya kadibna dadka wax waydiisanaya , markasuu istirjaac saday oo uu yidhi waxaan maqlay rasuulka alle oo odhanaya ( Ninkii Quraanka akhriya alle wax haku waydiisto waxaa imandoona Qoomam akhrinaya Quraanka dadkana wax ku waydiisanaya) waa xadiith saxiixun lighayrihi ah waxa wariyay tirmithi fiiri saxiixada albani(rxm) (257)

(6) Waxaa laga warinayaa abuu dardaa in rasuulka alle yidhi ( ninkii ku qaata Quraanka BARIDIISA Qaanso, Allaa Qoorta u sudha Qaanso naar ah Maalinta Qiyaamo) Saxiix Fiiri saxeexada albani(256)

(7) Waxaa laga warinayaa abuu saciid Al-khudrii (rc) inuu maqlay nabiga oo leh ( Barta Quraanka allena ku waydiista Janno, kahor intayna baran Qoom ku waydiisanaya Aduunyo , Quraanka waxaa barta sadex nin ku faana, iyo nin kuwaydiista , iyo nin u akhrinaya alle dartiis)saxiix fiiri saxeexada albani (258)

(8) Waxaa laga warinayaa cabdurraxmaan binu shibl Al-ansaarii (rc) inuu yidhi waxaan maqlay rasuulka alle oo leh (Akhriya Quraanka Hana ku Cunina wax , hana ka engagnaanina "yacnii haka hijroonina akhrintiisa iyo ku dhaqankiisaba" hana ku xadgudbina"yacnii ghuluwi haku samaynina quraanka") saxiix fiiri saxiixada (260)

(9) Waxaa laga warinayaa ibn mascuud (rc) inuu yidhi ( sidee xaalkiinu yahay markay idinku habsato fitno , uu ku dhex gaboobayo qofka wayni, kuna barbaarayo qofka yar dadkuna ay samaystaan sunooyin , oo marka labadalo ay odhanayaan sunadiibaa labadalay, markaasaa layidhi: waa goorma arinkaasi abuu cabdiraxmaanoow ? wuxu yidhi (waa marka ay badato Quraadiinu , yaraatona Fuqahadiinu, badatana madaxdiinu , yaraatana intiina aaminka ah, laguna raadsado aduunyo camalkii aakhiro[ Faqiihna loonoqdo waxaan diin ahayn] sanadkiisu waa saxiix fiiri Taxriim aalaatu dharbi (s 16) xadiiskuna waa mowquuf lakiin xukunkiisu waa marfuuc waayo wuxuu ka hadlay arimo ghaybi ah oon ra'yi lagu ogaan karin, iyadoo ayba dheceen dhamaan waxa lagu sheegay, siduu yidhi albani(rxm)

Waxaa kalood ogaataa walaal inuu arinkani laba mushkiloba keenay

(1) inuu yahay arin didinaya ama marmarsiinyo uu ka dhigan karo qofkan larabo in dacwada lagu fidiyo

(2 ) Cidaan ehel u ahayni inay tidhaa waxbaan bari maadaamo oo ganacsi iyo aduunyo gashay

Waxaan anigu dhagahayga ku maqlay meelo arinkani ka jiray nin u marinaya arday yar quraan oo ardaygu aayadii saxayo kan dhigayana khaldayo .

Haddaba akhriste walaal waxaad ogaataa in qol yaha banaynaya arinkan ay daliishanayaan hal xadiith oo laga warinayo abuu saciid (rc) inuu yidhi waxaa baxay koox ka mid ah saxaabada nabiga safar ay safreen , ilaa ay ka dageen qabiil qabiilada carabta kamid ah korkood , markaasya martigalyo waydiisteen , markaasay diideen inay marti galiyaan , markaasaa qabiilki sayidkoodii laqaniinay , markasay dawawalba ku dayeen oy waxba u tari wayday, markaasaa qarkood dheheen , bal maad u tagtaan kooxdaas halkaas dagtay, waxaa laga yaabaa in qaarkood wax hayaan e , markaasay u yimaadeen oy dheheen , war nimanyahow waxaa laqaniinay Sayid kanagii wax walbana waan ku daynay oo waxba ka tari waa, e qofkiin mahayaa wax ? markaasay qaar dheheen haaa wallaahi waan ku tufi lakiin allaan ku dhaartay e waan idin marti galyo waydiisanay namana aydaan marti galin , anna idiinkuma tufayo ilaa aad xoolo nasiisaan , markaasay ku heshiiyeen Xayn adhi ah , markaasuu bilaabay inuu ku tufayo kuna akhrinayo faataxada , markasuu fay yidhi uu kabooday sidii awr dabar laga furay , uu socday , wuxu yidhi markaasay u oo fiyeen xoolahay kula heshiiyeen , qaarbaa markaa yidhi inoo qaybiya , markaasuu yidhi ninkii ku tufay hasamaynina ilaa aan nibaga uga tagno oo aan arinka uga sheegno siaan u eegno wuxuu inna faro , markaasay nabiga usoo galeen arinkiina usheegeen , markaasu yidhi (sideed ku ogaatay inay dawo tahay wuxu yidhi waad asiibteen e qaybiya anna qayb iga siiya markaasuu qoslay rasuulka alle ) waxaa wariyay Bukhaari Riwaayad kalena waxaa ku jirtay inuu yidhi nabigu ( waxa ugu xaqnimo badan eed wax ku qaadataan waa kitaabka alle)

Hadaba walaal waxaad ogataa xadiiskan iyo adilladii aan soo sardinay inayna iska hor imanayn , sahlan tahayna anaan jamcino walillaahil xamdu , waxay ku jamciyeen culumadeena salafku In xadiiskani uu kahadlayo RUQYADA khaasna ku yahay adiladi aan soo sheegnayna daliil u tahay mowduuca maqaalkan .
halkanna ka dhagayso al-imaamul albaani(rxm) oo ka hadlaya arinkan



Wallaahu aclam


jarar jarar

 
jarar Related Links jarar
· Faah Faahin kusaabsan Fiqiga
· Soodire: salafi


Maqaalkii loogu akhriska badnaa waa: Fiqiga:
Xukunka in xoolo lagu qaato quraanka baridiisa

jarar jarar
jarar Article Rating jarar
isku celceliska natiijada: 4.25
Cod bixino: 4


Fadlan wax yar samir oo codkaaga ka dhiibo maqaalkan:

Cajiib ah
Aad U Fiican
Fiican
Caadi
Xun

jarar jarar
jarar Options jarar

 Daabac Boggan Daabac Boggan

 Saaxiib udir Saaxiib udir

jarar jarar
jarar jarar
Mawadiic Laxidhiidha

Fiqiga
jarar jarar


jarar jarar
"Galid" | Galid/Xubin Noqo | 0 Faallo
Faalooyinka waxaa masuul ka ah soodiraha. Masuul kama nihin waxa ku qoran.
jarar jarar


jarar jarar
Wax Faalloyin ah mabixin Karo Qof aan xubin ahayn Halkan ka noqo xubin
jarar jarar

Wacdi.com



© 2004 wacdi.com.