Bogga Hore Muxaadaro Borogaramo Golayasha Maqaallo Talobixin XisaabTaada Raadi
jarar Bogga Hore jarar
 Bogga Hore
 Muxadaro
 Borogaramo
 Golayasha
 Maqaal Soodir
 Maqaallo
 Raadi
 Talobixin
 Xisaabtaada
jarar jarar
jarar Silsilada Albani jarar

Raadi Xadiith

Kalimad:
Lambar:

jarar jarar
jarar Bogag Somali ah jarar



jarar jarar
jarar Qur'aan jarar
 
Xifdinta Quranka Kariimka ee Carruurta

jarar jarar
jarar Maqaalka Maanta jarar
Maqaal caan ah ma jiro maanta.
jarar jarar
jarar Golayasha Wacdi jarar
15 Maqaal ee ugu dambeyay

Ma looga tagayaa Xaddiis saxiix ah qofna kuma dhaqmin?
Qore: ina Warfaa Jul 17, 2010 at 15:41:07

Ma lagu daba tukan karaa Imaam salaaddiisa aan kula toosnayn
Qore: ina Warfaa Jul 16, 2010 at 14:59:10

Ma Bidcaa in loo qeybiyo Towxiidka saddex qeybood?
Qore: ina Warfaa Jun 22, 2010 at 11:31:07

Bidacda bisha Rajab
Qore: ina Warfaa Jun 22, 2010 at 11:25:28

Maxay Diinta ka qabtaa in lagu noolaado dhulka Gaalada?
Qore: ina Warfaa Jun 22, 2010 at 11:20:27

Maxay Diinta ka qabtaa ciyaarta iyo daawashada Kubadda-cagta
Qore: ina Warfaa Jun 15, 2010 at 07:38:16

Maxay Diinta ka qabtaa Subaca?
Qore: ina Warfaa Mar 13, 2010 at 18:04:29

Maxay Diinta ka qabtaa Anaashiidka?
Qore: ina Warfaa Mar 13, 2010 at 17:59:47

Maxay Diinta ka qabtaa Kooxaha, Axzaabta iyo Ururada?
Qore: ina Warfaa Jan 29, 2010 at 20:09:08

In loo laablakaco Mad-hab waa Bidco
Qore: ina Warfaa Jan 28, 2010 at 10:39:18

Axkaamta Janaasada
Qore: ina Warfaa Dec 27, 2009 at 06:23:01

Aadaabta guurka ee Islaamka
Qore: ina Warfaa Dec 20, 2009 at 16:29:16

Talooyin ku wajahan Muslimiinta meel walba oo ay joogaan
Qore: ina Warfaa Nov 26, 2009 at 04:18:16

Xubin cusub
Qore: Hanad Nov 19, 2009 at 01:35:45

Bidcada Soonka
Qore: ina Warfaa Sep 06, 2009 at 06:27:01

jarar jarar
jarar Akhbaarta Xubinka jarar
Soo Dhawoow, Anonymous
Naanays
Eraysir
(Xubin Noqo)
Xubinnimo:
Ugu Dambeeyay: 44
Maanta Cusub: 0
Shalay Cusbaa: 0
Kuligood: 285

Dadka Jooga:
Marti: 2
Xubno: 0
Wadar: 2
jarar jarar

jarar jarar
Cadaynta Talbiisaadka Ashaacirada iyo Mufawidada


bismilaah walxamdu lilaah wabacdu
awalan mowduuca sifaadku waa mowduuc ay ku lumeen firaq badan kagana leexdeen jidka salafka, marka waa mowduuc khatartiisu aad u wayn tahay



ninkaan qur,aanka iyo sunnada iyo fahamka salafka ulanoqon, fikrado ahlul kalaamna ka hor mariya sadexdaa marjic, wa raximallaahu ibnu qayyim xiina qaal
(al cilmu qaalallaahu qaala rasuuluhuu ¤¤¤ qaala saxaabatu leysa bittamwiihii
mal cilmu nasbaka lilkhilaafi safaahatan ¤¤¤ beyna rasuuli wa beyna ra'yi faqiihii
kallaa walaa jaxdu sifaati wanafyuhaaa ¤¤¤ xadaram mina tashbiihi wa tamthiilii)

arinkan sifaadkana salafku waxay ku bineeyeen qawaacid ta'asiilsan sidan hada kahorba kasoo hadalay waxana asal u ah labo qaacido,

(1) sifaadka alle(sw) oo siday kitaabka iyo sunnada ugu soo arooreen looqiro

(2) iyo inaan alle lagu shabihin wuxu abuuray oo ah diidmo iyo sugid, alle (sw) oo laga nazaho in makhluuqaadkiisa lagu shaboho iyo in loosugu sifaadka uu isku sifeeyay siduu alleba yidhi

(alle wax lamid ah majiro, waxna wuu maqlaa waxna waa arkaa)suratu shuuraa(11) haday dadku aayadan sifiican u fahmi lahayeen khilaafka xaga sifaadku wuu soo afjarmi lahaa, waana qaacido kaamil ah oo baabka sifaadka aayada qaybta hore oo ah( alle wax lamid ah majiro) waxay radinaysaa qolyaha alle makhluuq ku shabaha sida(al-mushabbaha wa al-mujassamah ) qaybta dambana oo ah(alle waxna waa maqlaa waxna waa arkaa) waxay radis u tahay qolyaha sifaadka alle diida oo macne ayna tusinayn markaa kula carara sida (mucadhalada) marka waa labo qolo oo did isku ah (mucadhalada >&< mushabahada) mushabahadu siday isu lahayd ka carar qolyaha sifaadka alle diidaya baa waxay xadka ka saareen sugida sifaadka alle,markasay alle makhluuqiisa ku shabeheen. mucadaladuna siday isu lahayd ka carar qolyaha alle wax ku shabahay bay iyana xadkii ka bexeen,markasay sifaadkii alle ka dhigeen waxay ta'wiiliyaan iyo waxay tafwiidiyaan,qolyo iyagu in kirayba in alle sifo loosheegona wayba jiraan oo waa kuwa xadka ka gudbay.waxanad ogataa qolyahan dambe inay yihiin mushabaha ,oo siday ku yihiin ?, waxay niyada galiyeen in sifaadka alle uu ku sheegtay kitaab ama sunnada ay keenayso tashbiih , marka tashbiih buu niyada galiyay markasay macno ayna lahayn kula carareen, salafkuna waxay odhanjireen (mushabahaduna waxay caabudaan sanab , mucadhaladuna waxay caabudaan waxan jirin)
marka salafku waa wasad labada qolo dhexdooda, oo ah sifaadka alle oo lasugo iyo inaan makhluuq lagu shabihin , sifaadka uu alle ku sheegtay kitaabka iyo sunaduna ma keenayaan tashbiih hadii looqiro siday ku yimaadeen, sidaa darteed wuxu yidhi nuceym binu xamaad al-khuzaacii(qofkii ku shabaha alle makhluuqaadkiisa wuu gaaloobay , qofkii diida wuxu alle ku sifeeyay naftiisana wuu gaaloobay, tashbiihna makeenayso wuxu alle ku sifeeyay naftiisa, rasuulkiisuna uu ku sifeeyay)

wayaa subxanallaah waxa wax lalayaabo ah inuu mid xaamilu raayatal khalaf ah soo boodo oo uu yidhaa daahirka nusuustu waxay keenaysaa tashbiih hadaan sugno marka waa inaan ta'wiilino ama aan tafwiidino, waxad moodaa qolyahan wax ta'wiiliya ama wax tafwiidiya markay hadlayaan inay alle uga aqoon badan yihiin sifaadka uqalma , waxabad moodaa inay leeyihiin allow sifaadkan aad isku sifaysay kuuma qalmaan oo waxay keenaysaa nuqsaan iwm marka anagaa ta'wiilinayna oo jeebkayga kala soo baxayna micne adiga kuu qalma , arinkanina waa dacnin risaalada allaah ama ha isdareemeen qolyahan ta'wiilinaya sifaadka alle ama yayna isdareemine

waxa jira arin lagama marmaan ah inaan ku baraarugno, dadka qaar baa waxay u qaateen marka salafku ay leeyihiin mara sifaadka alle( bilaa tafsiir) inay ula jeedaan macnaha sifaadka alle in latafwiidiyo oo layidhaa allaa garanaya macnaha (dixk) iyo (samci) iwm, waana arin ay iska cadahay inuu dalaal yahay waayo waa hadal tusinaya inuu alle umadiisa kula hadlay, hadalayna fahmayn micnihiisa .allena (sw) wuxu ina faray inaan micnaha quraanka ku tadaburro si'aan ufahano, wuxu yidhi alle(sw)(mayayna ku tadaburayn qur'aanka )

marka salafku waxay u qiraan alle sifo kasta uu isku sifeeyay, rasuulkiisuna (scw) uu ku sifeeyay , iyadoo layska ilaalinayo arimahan soo socda

(1) ATTAXRIIF waana naska oo macnihiisa laga leexiyo, wuxuna u qayb samaa labo(
A) lafdiga naska oo lalexiyo sida istawaa oo istowlaa loogadiyo, laambay ku siyaadiyeen sida yuhuudu ay ugu siyaadisay nuunta markii lafaray inay yidhaahdan(xidhah) baa waxay dheheen (xiNdhah)
(B)in lataxriifiyo macnaha naska sida qolya ku fasira raxmada alle iraadatul incaam iyo macnaha cadhada iraadatul intiqaam

(2) ATTAC DHIIL waana inaad diido macnah sifaadka alle ay tusinayaan adigoon ku fasirin macne kale siday samayso (al mufawiddah)

(3)ATTAM THIIL waana in layidhaa sifaadka alle waxay lamid yihiin kuwa makhluuqa waana tashbiih.

(4) ATTAK YIIF waana inaad tilmaanto qaabka ay u egyihiin sifaadka alle

hadaba akhristow waxad ogataa in salafkii ay tafwiidin jireen qaabka sifaadka ama keyfiyada sifaadka, e ayna tafwiidin jirin macnaha sifaadka waanatan cadaymaheedu.

sufyaan waxa laga warinayaa, wuxu yidhi (waxan lajoogay rabiicah binu abaa c/raxmaan , marka ninba suaal waydiiyay oo wuxu yidhi markasu akhriyay aayada suratu dhahaa(5)- markasu yidhi, (siduu alle ugu istiwooday?) markasu yidhi (istawuhu waa waxan laga jaahil ahayn , qaabka uu ugu istiwoodayna waa waxaynan garanayn, alle xagisayna risaaladu katimid , rasuulkana(scw) korkiisa waxa ah inuu gaadhsiiyo , inagana waxa inasaaran inaan rumayno) firi mukhtasirul culuwi(s 132) waana athar saxiix ah sidu sheegay albaani.

waxa laga warinayaa yaxyaa binu yaxyaa attamiimii iyo jacfar binu c/laahi iyo koox kale inay dheheen, ninbaa u yimid imaamu maalik ,markasu yidhi ,abuu c/raxmaanow markasu akhriyay aayada dhaaha(5) - markasu yidhi, (siduu alle ugu istiwooday?) markasu yidhi raawiga atharkan , ma arkin imaamu maalik oo cadhooday siduu uga cadhooday hadalkaa , dhididbaana shax kasoo yidhi, dadkiina waysugeen , markasu xanaaqii kadagay , oo uu yidhi ( keyfiyada istawuhu waa waxaynaan garanayn , istawuhuna waa wax layaqaan , inaan rumaynaana waajibay inagu tahay , in laiswaydiyaana waabidco-yacnii keyfiyada- waxana ka baqayaa inaad lunto, amarbuuna kubixiyay oo waa lasaaray )

wuxu yidhi imaamu thahabi isagoo tacliiqinaya hadalkaa imaamu maalik (waa arin ka sugan imaamu maalik mid isaga lamid ahna waa inoosoo hormaray oo laga warinayo Rabiicah sheekha imaamu maalik waana hadalka ahlu sunnada dhamaan ,( in keyfiyada istawaha aynaan garanayn ,bal jaahilbaan ka nahay , istawahuna waa wax layaqaano siduu kusheegay kitaabkiisa alle , iyo inuu yahay istiwaa isaga u qalma , kumana xeel dheraanayno mana sii dhex galayno waxa kalazimaya diidmo iyo sugid toona bal waan ka amusaynaa, waana ka istagaynaa siday salafku uga istageen, waxana oganaynaa in haduu lahan lahaa ta'wiil ,inay inooga hormari lahayeen saxaabadu iyo taabiciyiintu ....)firi mukhtasirul culuwi(s 141-132)

wuxu yidhi sheekh albaani(rxm) oo tacliiqinaya hadalka imaamu maalik(al-istiwaa u gheyr majhuul) waa wax layaqaan sidaa darteed waxan arkaynaa in ahlul cilmigu markay soo guurinayaan jumladan oo imaamu maalig kasoo xiganayaan waxay odhanayaan (al istiwaa u macluum) siduu qurdhubi kasoo xiganayo imaamu maalik oo inoo imandoonta kitaabka dhamadkiisa . sidaa darteed macnaha (al-istiwaa) luuqad ahaan waa wax layaqaan ,taas oo lafasiri karayo, laguna turjumi karayo luuqado kale , wuxuuna kamid yahay ta'wiilka ay garanayaan (arraasikhuuna filcilmi) amaa qaabka uu alle ugu istiwooday ,wuxu kamid yahay ta'wiilka uuna garanayn alle mooye cidkale ,sida daatada alle (sw) iyo dhamaan sifaadkiisaba )firi isla kitaabka kore(s 141)

wuxu yidhi bukhaarii (rxm) dhamaadka kitaabkiisa saxiixa ah markuu fasirayay aayada uu alle ku leeyahay (wuxu ahaa carshiga alle biyo dushiis) iyo aayada uu alle ku leeyahay(alle waa rabbiga carshiga wayn) wuxu yidhi bukhari mujaahid (rxm) wuxu yidhi istawaa calaa calal carshi) fiiri mukhtasirul culuwi (s 101)

wuxu yidhi shekheena salafiga ah abuu c/raxmaan albaani(rxm) waxay radis utahay qorayaasha casrigeenan ee dadka mood siinaya in salafkii ayna ka hadlin aayaadka sifaadka , oo ayna fasirin marnaba, oo ay ku gaabsadeen akhriskeeda iyagoon ku tadaburayn fahmayna, waana arin uu cadeeyay baadil nimadeeeda sheekhul islaam(rxm) kutubtiisa dhexdeeda. waa sax oo mayna fasirin tafsiir uu lajiro tashbiihin iyo takyiifin bal way nahyiyeen arinkaa nahyi kan ugu daran sidaad ku arki doonto kitaabkan dhexdiisa oo imaamu maalik laga warinayo iyo kowo kaleba, wuxu wariyay imaamu laalakaaii kitaabkiisa ASSUNNAH(1/91/2) can bishir binu cumar athaqafi oo (dhintay.. 207)( waxan maqlay in ka badan hal oo mufasiriinta ka mid ah oo odhanaya aayada ku jirta dhahaa(5) calal carshi irtafaca yacnii carshiguu ka sareeyaa)firi alculuwi (s 101-102)

wuxu yidhi waliid binu muslim waxan waydiiyay owzaacii iyo maalik binu anas iyo sufyaanu thowrii iyo leyth binu sacad , axaadiistan ka hadlaysa aragtida alle iwm waxay ku jawaabeen (mar , keyfiyo la'aan)

meelkalena isla atharkan laftiisa wuxu ku wariyay waliid (umara siday ku timid tafsiir la'aan) marka halkana waxay ku cadaynaysa in salafku marna ka cabiraan (bilaa keyf) marna (bilaa tafsiir)marna(bilaa macnaa) dhamaana waxay ulajeedaan inaynaan fasirin macnaha keyfiyada sifaadka,wayna inoo iman doontaa iyadoy sicad usheegayaan

wuxu yidhi axmad binu nasar (rxm) waxan maqlay sufyaan binu cuyeynah anoo jooga gurigiisa cishaha kadib oo aan ku cel celinayo suaasha , markasuu igu yihi idhaaf aan nafis qaate e , markasan ku idhi abu maxamadow waxan rabaa inaan ku waydiiyo wax, markasu yidhi waxba haywaydiin , markasan idhibuu yidhi laabudda inaan ku waydiiyo hadaana adiga ku waydiin yaakaloon waydiin? markasu yidhi soodaa iwaydii , markasan idhi kawaran xadiiska cubeydah uu kawarinayo cabdullaahi canninabiyi(scw)(alle cazza wajalla wuxu ku xambaari samawaadka hal far dhulalkana halfar) iyo xadiiska sheegaya (quluubta binu aadmigu waxay ku jirtaa labo farood ee allaha raxmaanka ah dhexdooda ) iyo xadiiska sheegaya inuu alle layaabo oo uu ku qoslo qofkii ku xusa aduunka cidhifkiisa kale .markasuu sufyaan wuxu yidhi (axadiistaasi waa sidday ku timid, waan qiraynaa waxana ku warinaynaa keyfiyo laaan)firi kitaabka daara qudhni ee layidhaa assifaat(s 42)

dara qudhni wuxu yidhi , waxaanoo waramay maxamed binu makhlad xadathanaa alcabaas binu maxamed addowrii wuxu yidhi waxan maqlay abaa cubeyd alqaasim binu salaam oo intuu sheegay baabka uu ku warinayo xadiiska aragtida alle maalinta qiyaamo iyo kursiga iyo mowdica qadamaynka iyo qosolka rabi uu ku qoslo adoomadiisa quusanaya una taqarubaya cidaan alle ahayn iyo xaguu rabi joogay intuusan abuurin iyo inayna jahanamo buuxsamayn ilaa alle uu saaro cidhibtiisa oo aymarkaa odhanayso QaD QaD iyo axaadiis kuwaa lamid ah, markasu yidhi. axadiistan waa saxiix asxaabu xadiith iyo fuqahaduna waxay ku xambaareen qaarba qarka kale , agtanadana waxay ka yihiin xaq shakina kuma jiro, lakiin hadii layidhaa (qabkuu keyfa) u sarayaa alle cidhibtiisa iyo siduu u qoslaa , waxan ku leenahay * LAMA FASIRO ARINKAN MANA AANAN MAQAL QOF FASIRAYA*) firi kitaabka dara qudhni ASSIFAAT(s 40)

akhriste walaal u fiirso hadalka kore ee abaa cubeyd alqaasim binu salaam wuxu yidhi (LAKIIN HADII LAYIDHAA (qabkuu keyfa) u saarayaa alle cidhibtiisa iyo siduu u qoslaa , waxan ku leenahay * LAMA FASIRO ARINKAN MANA AANAN MAQAL QOF FASIRAYA)

wuxu sicad kuugu fasirayaa in culumadu markay leeyihiin (bilaatafsiir )iyo waxa lamidka ah ayna ulajeedin macnaha sifada e ay ulajeedaan qaabka sifada , marka baraarug walaal oo iska jir ahlul bidaca ku dhagaya sida koolada hadalada mujmalka ah ee culumada

wuxu yidhi sufyaan binu cuyeynah(dhamaan wuxu alle isku sifeeyay quraankiisa dhexdiisa , sida loo akhrinayo ayaa tafsiir u ah Qaabna looma sheegi karo tusaalena lagama bixin karo)firi assifaat(s 40)

wuxu yidhi wakiic (axadiistaa waxan ku daynaynaa siday ku timid mana odhanayno keyfa hathaa , walima jaa a hathaa)assifaat(s 40)

sulaymaan binu xarbi wuxu yidhi waxan maqlay xamaad binu zeyd oo leh(waxay ku dul wareegayaan inay yidhaahdaan samada alle majoogo yacnii aljahmiyah) wuxu yidhi imaamu thahabi oo tacliiqinaya hadalkaa xamaad binu zeyd (hadalka salafka iyo a'imada sunnada , bal saxaabada iyo alle iyo rasuulkiisa(scw) waa in alle cazza wajjala uu jiro samada oo uu carshiga ka sareeyo, oo samooyinkiisa ka sareeyo, uuna usoo dago samada soke , xujaday u haystaana waa nusuus iyo aathaar , maqaalada jahmiyaduna waa in alle tabaraka watacaalaa uu ku dhex jiro meel walba , (tacaalallaahu can qowlihim) bal alle wuxu ku joogaa meel walboon joogno cilmigiisa, maqaalada kuwa muta'akhiriinta ahna waxa weeye in alle uuna joogin SAMAWAADKA KOR KOODA IYO CARSHIGA KORKIISA , IYO SAMAAWAAADKA IYO DHULKA KORKIISA IYO CAALAMKA DHEXDIISA IYO DiBaDiiSa, OO UUNA KA DHEX BAXSANAYN KHALQIGA XIDHIIDHNA LALAHAYN waxayna dheheen in dhamaan sifaadkani ay yihiin sifaad jismi, allena wuu ka nazahan yahay jismi. waxay ugu jawaabeen ahlu sunnah wal athar anagu madhex galayno arinkaa , waxan dhahaynaa wixii lanoo sheegay anagoo raacayna nusuusta ....... hadalkiinana madhahayno , maxaa yeelay XAYUUBINTAASI waa sifaad waxan JIRIN , allena waa ka hufan yahay CADAMNIMO bal waa mowjuud oo ka soocan khalqigiisa , kuna sifaysan wuxu isku sifeeyay , oo ah inuu carshiga ka sareeyo keyfiyo la'aan )firi mukh tasirul culuwi(s 146-147)

hadalkan imaamu thahabi wuxu radis u yahay qolyaha yidhaa ( alle kor majoogo oo hoos majoogo oo madig majiro oo bidix majiro oo gadaal majiro oo horay majiro , aduunkana kuma jiro kama dhex baxsana ) waana baadi ay iska cadahay oo aan wax sharax ah u baahnayn

wuxu yidhi xamaad binu zeyd waxan maqlay ayuub assakhtiyaanii oo intuu ka sheekeeyay muctazilada leh, (qowmkani waxay ku dulwareegayaan inay yidhaahdaan samada wax jooga maleh)fiiri mukhtasirul culuwi(s 132)

alle waxan kabaryayaa inuu iigu daro mizaankayga xasanaadka waxan asiibay waxan ku gafayna ii dambi dhaafo

wallaahu aclam
waxan qoray maqaalkan maalin axad ah December 09, 2000 - 03:03 am


jarar jarar

 
jarar Related Links jarar
· Faah Faahin kusaabsan Caqiidada
· Soodire: salafi


Maqaalkii loogu akhriska badnaa waa: Caqiidada:
Sharax Kooban oo kusaabsan lixda tiir ee iimaanka

jarar jarar
jarar Article Rating jarar
isku celceliska natiijada: 0
Cod bixino: 0

Fadlan wax yar samir oo codkaaga ka dhiibo maqaalkan:

Cajiib ah
Aad U Fiican
Fiican
Caadi
Xun

jarar jarar
jarar Options jarar

 Daabac Boggan Daabac Boggan

 Saaxiib udir Saaxiib udir

jarar jarar
jarar jarar
Mawadiic Laxidhiidha

Caqiidada
jarar jarar


jarar jarar
"Galid" | Galid/Xubin Noqo | 0 Faallo
Faalooyinka waxaa masuul ka ah soodiraha. Masuul kama nihin waxa ku qoran.
jarar jarar


jarar jarar
Wax Faalloyin ah mabixin Karo Qof aan xubin ahayn Halkan ka noqo xubin
jarar jarar

Wacdi.com



© 2004 wacdi.com.